Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Laga Mamnuucay Diyaaradihii Lagu Farsameeyay Midowgii Soofiyeeti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hawada iyo garoomada dalka laga mamnuucday diyaaradaha duugga ah ee lagu farsameeyay wadankii la oran jiray Midowga Soofiyeeti.

ruushka-diyaaradisa-696x470.jpg


Diyaaradaha ay Hay’adda Duulimaadka Soomaaliya mamnuucday ayaa waxaa ay kala yihiin: Antanov 24, Antanov 26, Antanov 32 iyo Antanov 12.

Diyaaradaha ay dowladda Soomaaliya mamnuucday ayaa ah kuwa xamuulka qaada oo ah diyaarad duug ah oo Midowgii Soofiyeeti.

Go’aanka Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Soomaaliya ku mamnuucday Diyaaradihii hore ee Midowga Soofiyeeti ayaa soo baxay 7 February, waxayna shaqadooda ku ekeyd 28 February 2019. balse waxaa loo kordhiyay in dalka laga saaro ilaa 15-ka March.

Hay’adda duulista hawada ayaa sheegtay in dayuuradahan ay yihiin kuwo halis ah oo duugoobay. ayna qaarada afrika ku laheyn xarumo lagu dayactiro.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this