Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Cabsi soo wajahday taliyayaasha saldhigyada booliska gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo 24 saac oo kaliya ayaa ka soo wareegatay markii Madaxweynaha Soomaaliya hanjabaad iyo amarro uu dul-dhigay taliyaasha Saldhigyada Booliska Gobalka Banaadir iyo Guddoomiyaasha, taas oo aheyd in xilkooda ay ku wayn doonaan amni darrada ka dhacda degmooyinkooda ayaa go’aankaasi uu dhaqan galay maanta.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Deyniile oo muddo 24 saac la siiyay in uu ku keeno ragii ka dambeeyay duqayntii lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta xilkii laga qaaday kadib markii laga waayay warbixintii iyo waxyaabihii kale ee looga baahnaa.

Macalin Faarax oo ahaa taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa habeen hore waxa lagu wargeliyay in looga baahan yahay Shabaabkii maalin cad madaafiicda ku ku garaacay Madaxtooyada kuwaas oo la sheegay in laga soo riday degmadaasi.

Cabsi badan iyo walaac xoog leh ayaa soo wajahay Taliyaasha kale ee Saldhigyada Booliiska ee degmooyinka Gobalka Banaadir kuwaas oo ka walaacsan sidii ay ka yeeli lahaayeen falalka amni darro ee ka dhaca degmooyinka ay joogaan.

Sidoo kale Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa la siiyay amar ah in aysan degmooyinkooda ka imaanin amni darro ama ay is  casilaan waxayna taasi abuurtay baqdin walaac soo food-saaray xilalkooda.

“Madaxweynaha markaan meel xun ayey ka gaartay, maxaa yeelay Madaxtooyadii ayaa halis gashay, sidaas ayaa sababtay la xisaabtankaan adag”, sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta degmooyinka Gobalka Banaadir oo magaciisa qariyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this