Suldaanka

Puntland's clan melitia leaders resign

Recommended Posts

FB_IMG_1551341363669.jpg?w=720&ssl=1

SARAAKIISHI U SARRAYSAY CIIDAMADA DARAAWIISHTA PUNTLAND OO ISCASILAY

Taliyaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo abbaan-duulaha Daraawiishta Gen Siciid Maxamed Salaad (Goraya-cawl) ayaa labaduba warqadaha is-casilaadda u gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in labada Generaal ay xalay iscasileen kadib isfaham la’aan iyo khilaaf soo kala dhex galay iyaga madaxweynaha Puntland oo ku aaddan jawaabta dowladdu ka bixinayso dullaanka Somaliland ku soo qaadday degaanno kamid ah koonfurta bari ee gobolka Sanaag.

Hase yeeshee weli lama xaqiijin in madaxweynuhu aqbalay waraaqaha iscasilaadda ee ay u gudbiyeen taliyaasha iyo in kale waxaana xiriir aan la samaynay dhinaca madaxtooyada ilaa iyo haatan noo suura-gelin in aan xog dheeriya ka helno xafiiska madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay saldhig ciidan ka samaystay degmada Yubbe ee koonfur bari gobolka Sanaag halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin in ka badan 30 gaadiidka teknikada Somaliland oo ka soo ruqaansaday dhinaca magaalada Ceerigaabo.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay u sii gudbayan degaannada ku yaalla bariga gobolka Sanaag oo ay ku jiraan Xiingalool Damalla-xagarre iyo Badhan iyagoo sheegay in ay ka hortagayan weerarro Somaliland uga yimaada Gen Caarre oo hoggaamiya jabhad fadhigeedu yahay aga’gaarka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa hore loo yidhi umul iyo ninwayn labaduba siday wax u ogyihiin uma sheegaan. 

I am sure the melitia leaders have given Deni their determination to close down Col. Caare's Qardho base. But it seems Sac Magaalo, as Reer Burco now call President Deni, doesn't get it.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deni's call is "Shacabku ha is difaaco".  Sounds like a man who already gave up fighting.  :D

Bad news, Shacabka Dr. Gaas ayaa danbaska ka dhigay. Wali waxay qoomamaynayaan xoolihii ay soo ururiyeen meelsha uu ku danbeeyay. Maanta oo Aabar xun hayso, ninka ku xisaabtamaya waa caqli yaraan.

_105100728_2aa8dc70-b64f-40b9-ba5b-d71a3a4c6f14.jpg

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.