Sign in to follow this  
Deeq A.

DP World oo amar horey uga soo baxay ka dhaqan gelisay dekadda Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Berbera (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dekada magaalada Berbera ayaa sheegaya in halkaasi laga dhaqan geliyay amar horey uga soo baxay maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku heya dekadaasi.

Amarkaasi ayaa ahaa in laga bilaabo maanta la kordhiyo lacagaha laga qaado ganacsatada badeecadaha kala duwan kasoo degsada dekada magaalada Berbera, islamarkaana la kordhiyo qiimaha sarifka Doolarka Mareykanka.

Raghu Pillai oo ah madaxa maaliyadda Shirkadda DP World ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo amar ay soo saareen 1 Janaayo in laga bilaabo maanta sarifka halkii doolar ay ka dhigeen 8,500 (Sideed kun iyo Shan Boqol) oo lacagta Somaliland ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in sare loo qaaday qiimaha laga qaadayo kunteenarada ganacsatada ay kala soo dagaan dekada magaalada Berbera.

Kunteenarka Ganacsiga nooca loo yaqaan 20f ah ee ka soo dega Dekadda Berbera waxaa horay looga qaadi jiray labo Malyan iyo lix Boqol,waxaana hadda la gaarsiiyay saddex Milyan iyo sagaal boqol oo lacagta Somaliland ah.

Halka Kunteenarka 40ft waxaa horay looga qaadi jiray lacag gaareysa afar Milyan iyo lix boqol,waxaana hadda la gaarsiiyay shan Milyan iyo lix boqol.

Arintaan ayaa culees ku ah ganacsatada Somaliland, waxaana ay iyaga ka qaadi doonaan lacagaha dheeraadka ah dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this