Sign in to follow this  
Deeq A.

SACIID DENI oo DIGNIIN culus u diray Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa digniin adag u diray maamulka Somaliland, isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleynin waxa uu ugu yeeray Daandaansi ka yimaada dhanka Somaliland.

Wuxuu sheegay in maamulka Somaliland uu kaga digaayo daandaansi ay ka wado gobolka Sanaag, maadaama ciidamo badan ay soo dhoobtay labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa tilmaamay in maamulka Puntland muddo badan uu sameeyay dulqaad, islamarkaana dadka nabadda jecel ay mar walbaa qaadanayeen in la xakameeyo xaaladda, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Puntland ay karaamadeeda difaacan doonto haddii Somaliland ay isku daydo inay weerarto deegaanada maamulka Puntland, isagoo cadeeyay in markale ay digniin u dirayaan Somaliland.

Hadalkaan wuxuu madaxweynaha Puntland ka jeediyay kulani maanta lagu daah furayay qorshaha Puntland ee shanta sanadood ee soo socota.

Xiisadda u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ayaa taagan sanadihii ugu dambeeyay, waxaana hadda dib u bilowday dhaqdhaqaaqa Somaliland ee deegaanada dhanka xuduuda labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this