Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Ajaanib Ah Oo Howlgalo Ka Fuliyay Gudaha Dalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Daarusalaam)-Wararka ka imaanaya deegaanka Daarusalaam ee gobalka Sh/goose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidammo Ajaanib ah iyo kuwa Soomaaliya ah iyo Alshabaab oo dhinac ah.

CIIDAMO.jpg

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii diyaarado dagaal iyo ciidamadaan khaaska ah ay ku degeen deegaankaa Daarusalaam oo ay maamulaan Alshabaab, hase’ahaatee waxaa la sheegay in Shabaabku markii ay maqleen dhawaqa diyaaradaha inay ridden hub culus iyada oo ciidamadaasna la sheegay in ay gudaha u galeen deegaanka.

Dadka ku sugan deegaanka Daarusalaam ee gobalka Sh/goose oo diiday in magacooda iyo codkoodaba loo adeegsado warbaahinta sababbo dhinaca amniga ayaa sheegay in jug xooggan ay xalay ka dhaceysay deegaanka kuna baraarugeen guuxa diyaaradaha dagaalka iyo dhawaqa rasaarta culus.

Ma jirto cid xaqiijin karto khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka ciidamadaan Ajaanibta ah iyo kuwa Somalida xalay ay ka fuliyeen deegaanka Daarusalaam ee gobalka Sh/hoose.

Alshabaab ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ciidamo Maraykan ah ay ku soo qaadeen Daarusalaam,in kasta oo ilaa iyo haatan aysan ka hadlin dowladda Somalia iyo Maraykanka oo la aaminsanyahay in ay masuul ka ahaayeen howlgalkaan qorsheysan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this