Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Faransiiska oo gaaray dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha  Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xalay gaaray Jabuuti , iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay dalkaasi.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa si maamuus leh ugu soo dhaweeyay gigida diyaaradaha Jabuuti, waxaana kadib loo galbiyay Qasriga madaxtooyada.

Booqashada uu Macron ku tagay dalka Jabuuti ayaa aheyd mid horay loo sii shaaciyay, isagoona kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda dalkaasi.

Labada dowladood ayaa ka wada hadli doona xiriirkooda iyo amniga, gaar ahaan arrimo ku aadan saldhigga milatari ee uu Faransiiska ku leeyahay dalkan ku yaalla bariga geeska Afrika ee Jabuuti.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada madaxweyne ay kulankooda ku soo hadal qaadi doonaan arrimo quseeyo xaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha Faransiiska ayaa la sheegay in ay socdaalkan uu ku sii mari doono dalal dhowr ah oo dhac geeska Africa, sida Kenya, Ethiopia, Uganda iyo kuwa kale, balse lama shaacin in dalalkaasi ay ku jirto Soomaaliya.

Faransiiska iyo Jabuuti waxaa ka dhexeeya xiriir fog, iyaga oo wadaaga iskaashi dhinaca milatariga ah, waana markii ugu horreysay uu madaxweyne Macron booqdo dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this