Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga iyo UK oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender,waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Labada safiir ayaa isla soo hadal qaaday taageerada milatari,dhaqaalaha iyo ammaanka ay dalalkooda siiyaan Soomaaliya iyo horumarada ay xilligan ku dhaqaaqeyso dowladda Soomaaliya.

Safiirka dowaldda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa dhiggiisa Turkiga uga mahad eliyay sida ay dowladiisa uga qeyb qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya oo ka soo kabaneysa dagaallo socday in ka badan 20 sano.

Waxyaabaha kale ee labada safiir ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ah arrimo la xariira xoojinta xiriirka dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya iyo xaaladda guud ahaan geeska Africa.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya aad uga caawisa dhinaca milatariga,waxaana Soomaaliya ay ka furtay saldhig milatari oo lagu tababaro ciidanka Soomaaliya.

Ingiriiska ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka taageera tababarka ciidamada iyo  sidii ay ugu guuleysan lahaayeen dagaalanka ka dhanka ah Al Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this