Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre Oo kulamo ka bilaabay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay kulamo ka bilaabay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ra’iisul wasaare Khayre oo xalay ku hoyday magaaladaasi, ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda maamulka Jubbaland.

Sidoo kale maanta ayaa la filayaa in kulan gaar ah uu la qaato madaxweyne Axmed Madoobe, kaas oo diirada lagu saarayo wada shaqeynta DFS iyo Jubbaland.

Mudane Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha XFS oo shalay gaaray Kismaayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this