Deeq A. Posted March 12, 2019 Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala halkaas oo uu maanta ka furmayo shir looga hadlayo isu soo dhawaanshaha dalalka qaaradda ee kobcinta dhaqaalaha, isdhexgalka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo nabadda. Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Koonfur Afrika Mudane Mudane Yoweri Museveni iyo Mudane Cyril Ramaphosa, Madaxweyne K/Xigeennada Kenya iyo Tanzania Mudane William Ruto, Marwo Saamiya Xasan Suluhu, Wasiirro ka socda dalalka Masar iyo Marooko, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, Bangiyada Qaaradda, ganacsato iyo ergo kor u dhaafaysa kun qof. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo gaarat Kampala appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites