Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war cusub kasoo saaray khilaafka DF iyo maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan arrimaha Afrika, Tibor Nagey ayaa ka hadlay khilaafka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Nagey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganada, ayaa waxaa wax laga weydiiyey qorshaha maamulka Madaxweyne Trump ee ku aadan dagaalka Al-Shabaab, waxa uu tilmaamay markii uu ka degay xilka Danjirihii Maraykanka ee Ethiopia sanandkii 2002-dii inay Somalia ka jirtay amni-xumo, isla marrkaana ay Koox Xag-jir ah ku sugnaayeen Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in 20-sanno kadib uu ku soo laabtay Diplomaasiyadda Afrika inay weli xaalladda Somalia tahay mid xun , isla markaana ay Alshabaab soo caan baxeen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan  Arrimaha Afrika, Tibor Nagey waxa uu u mahad celiyey dalalka Uganda, Jabuuti, Kenya iyo Burundi oo uu sheegay inay taageero ka geysteen sidii ay u faragelin lahaayeen Xaalladda Somalia.

“Waxaan xiriir aad u shaqeynaya la leenahay Dowladda Muqdisho, si loo dedejiyo dhismaha Ciiddan Soomaaliyeed, oo awood u yeelan kara inay ka guuleystaan Alshabaab” ayuu yiri Tibor Nagey.

Waxa uu intaasi ku daray in dhamaadka maalinta ay tahay inay Dadka Soomaalida soo gebagebeeyaan Dagaalka, isagoo rajo buuxda ka bixiyey inuusan jiri doonin qof Maraykan oo halkan u soo fariista inuu ka hadlo Arrimaha Somalia marka la gaaro 20-sanno kadib.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan  Arrimaha Afrika, Tibor Nagey mar wax laga weydiiyey sida ay Dowladda Maraykanka u heshiisiin doonto Kala-duwanaanshaha Soomaalida si loo gaaro hadafka Guud ee Deganaanshaha Somalia waxa uu sheegay inay tahay su’aal adag iyo nasiib-xumo inuusan bixin karin jawaabta, balse, waxa ugu wanaagsan ee shaqaynaya ayaa ah in laga guuleysto Alshabaab iyo Dib-u-dhiska Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in su’aasha had iyo jeer taagan tahay caqabadaha Nidaamka lagu saleeyey Beelaha iyo  in loo qeybiyo Dowlado xubno ka ah Federalka, wuxuuna Diplomaasigaasi isweydiiyey Siyaasadda ugu wanaagsan ee ay Dowladda Dhexe uga wada shaqeyn karto guud ahaan Somalia ama waxa ay Siyaasadda aad ugu wanaagsan tahay in loo shaqeeyo Dowlad Federal ah?

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this