Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo saaray liiska dagaal-yahannada ay ka dileen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa raadinaya qorshe yareynayo hawl-gallada ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan dalal badan oo ay ka mid yahiin Siiriya, Afghanistaan iyo Galbeedka Africa, balse taas badalkeeda waxey dowladiisa xoojineysaa dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ee ka hawlgasha Somalia xiriir dhawna la leh ururka Al-Qaeda.

Waxaa lasoo warinayaa in dowladda Mareykanka ay tiro badan oo dagaalyahanada Al Shabaab ku dishay weeraro iyo duqeymo xoogan oo ay ka geysatay Soomaaliya afartii bilood ee ugu dambeysay sanadkii 2018, 326 dagaal yahan ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah 47 weerar oo la qaaday sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda Gaashaandhigga dalka Mareykanka.

Taliska Africa ee mareykanka wuxuu ka dhawaajiyay in labadii bilood ee lasoo dhaafay sanadka cusub lagu dilay 225 dagaal yahan, waxaana Soomaaliya laga fuliyay 24 duqeymo oo aan ka liidan kuwii sanadkii hore.

Goobo bartilmaameed ahaa ayey duqeymo goos-goos ah ku beegsadeen dabayaaqadii bishii Febaraayo, waana kaliya saddex weerar, dhimashada la shaaciyay waxey Taliska Mareykanka ee Africa ku sheegeen iney kaliya yahiin kuwa dagaalyahanada Alshabaab, inkastoo aysan jirin xaqiijin rasmi ee ku aadan waxyaalada shacabka hadana mar walba kooxdaan waxey sheegaan in weeraradooda lagu dilo shacab.

Sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga aheyn waxaa ka dhashay duqeymaha cirka ee taliska Mareykanka Africa ka geystaan Soomaaliya xaalado xun oo dhanka beni’aadanimada ah, waxaana lasoo wariyay in shacabka ay mar walba ka cararaan dagaalada ka dhanka Ah Alshabaab iyo sidoo kale cimilada.

“Waa iney dadka mar walba ka feejignaadaan dagaallada socda” ayey tiri Brittany Brown, oo ah xubin ka tirsan golaha amaanka qaranka ee ku shaqada leh siyaasadda Soomaaliya, sidoo kalana waa shaqsi shaqada ku jiray ilaa dowladii Obama.

Sidoo kalana waxey haweeneydaan xubin muuqata ka tahaykooxda ICG oo ah mid mar walba ku hawlan xal u helista goobaha ay xasaradaha ka jiraan isla markaana colaadda ka jirto.

Sidoo kale iyadoo hadalkeeda sii wadata waxey cadeysay in dagaalka ka dhanka ah kooxahan ay yahiin kuwa aan aad looga fakarin, sidoo kalana waxey ka digtay iney sii xoogeysan doonaan hadii aan laga fariisan duqeymaha iyo dagalada lagula jiro kooxdaan ee gobolada dalka qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this