Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadal Axmed Madoobe ka soo fakaday oo kordhiyey walaacii taageerayaasha Farmaajo ee R/W Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dagaalka ay taageerayaasha iyo dadka ku beesha ah madaxweyne Farmaajo ka wadaan baraha bulshada ee ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay ku eedeynayaan inuu madaxweynaha qiyaamay.

Weerarkii ugu dambeeyey ayaa shalay galab dib u billowday kadib hadal afka kasoo dafay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Kheyre ugu yeeray madaxweyne, intuu uu ka oran lahaa ra’iisul wasaare. Hoos ka dhageyso codka Axmed Madoobe.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/54499200_297354177612580_5752560410351894528_n.mp3

Taageerayaasha madaxweynaha ee weerarka ku haya Kheyre ayaa hadalkaas ku macneeyey inuu caddeyn u yahay in Kheyre uu yahay musharax madaxweyne, islamarkaana hadalka Axmed Madoobe uusan ahayn wax afka uu ka dafay, balse ah qeyb ka mid ah qorshaha Kheyre uu ku tagay Kismaayo.

Taageerayaashan oo u badan dad ay hagayaan shaqsiyaad danahooda ka waayey Kheyre, iyo kuwa qabyaalad darteed u cabsanaya in Farmaajo kursiga uu waayo, ayaa Kheyre ka dalbaday inuu is-casilo, maadaama uusan daacad u ahayn madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ay inta badan u arkaan nin ka fir-fircoon madaxweynaha kana awood badan, ayay sidoo kale ku eedeeyeen in isbahaysi uu la samaysanayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this