Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbahaysiga Kheyre iyo Axmed Madoobe ee doorashada 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ayaa su’aalo ka keenay, walaacna ka muujiyey safarka ra’iisul wasaare Kheyre uu ku tegay magaalada Kismaayo, ayaga oo dareemay isbaheysi siyaasadeed cusub oo abuurmaya.

Walaacooda ayaa salka ku haya laba qodob

1 – Kheyre oo isbahaysi la sameysanaya Axmed Madoobe, isaga oo wada olole siyaasadeed oo uu madaxweynenimo ku doonayo, taasi oo ay dareemayaan inaysan sax ahayn maadaama uu la shaqeeyo madaxweynaha.

2 – Inuu sharciyad siinayo Axmed Madoobe oo waqtiga kasii dhammaanayo, xilli ay jiraan warar sheegaya in xukuumadda ogolaatay in laba sano oo kale uu sii joogo.

Waxaa xusid mudan in loolan uu ka dhexeeyo beesha Axmed Madoobe iyo tan madaxweynaha, kaasi oo ku salaysan maamula Jubaland, islamarkaana taageerayaasha madaxweynaha ee walaacsan ee u badan yihiin xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo shacabka ku beesha ah.

Inkasta oo labada tuhunba aan caddeyn loo hayan, haddana isbahaysi dhex-maray Kheyre iyo Axmed Madoobe, waa mid macno badan u samaynaya labadaba, ayna aad suurta-gal u tahay.

Muxuu yahay ujeedka guud ee labada nin?

Kheyre waxa uu doonayaa inuu dalka madaxweyne ka noqdo, sidaas darteedna wuxuu u baahan yahay taageerada maamul goboleeyada, si gaar ahna maamulka Jubaland oo marka laga soo tago Puntland, ah kan labaad ee ugu saameynta badan.

Axmed Madoobe waxa uu doonayaa inuusan dagaal siyaasadeed kaga iman dowladda federaalka ah, uuna kursiga iska sii haysto waqtigii ay doontaba ha la ekaatee.

Axmed Madoobe sidoo kale wax rajo ah kama qabo, kumana jiro hami ah inuu dalka madaxweyne ka noqdo. Waxaa u daran oo kaliya Jubaland

Sidee isku fahmi karaan?

Kheyre, wuxuu Axmed Madoobe siin karaa taageerada dowladda iyo inaan kursigiisa lagu qabsan. Wuxuu sidoo kale u ballan-qaadi karaa in qof isaga ka socda uu siiyo ra’iisul wasaare haddii madaxweyne la doorto ama xilal wasiiro iyo safiiro muhiim ah, haddii ra’iisul wasaaraha uu ku qanciyo maamul goboleed kale sida Puntland, maadaama ay ka saameyn badan tahay Puntland.

Axmed Madoobe, wuxuu xaqiijin karaa in xildhibaanada baarlamanka federaalka ee lagu soo dooranayo Jubaland, ay noqdaan kuwa isaga dacaad u ah oo codadkooda siiya qofka isaga uu amro. Sidaas darteed, wuxuu kaalin wanaagsan ka qaadan karaa in Kheyre ay u rumowdo riyadiisa madaxweyne.

Qorshahaas ma socdaa?

Anigu ma lihi, Axmed Madoobe iyo Kheyre ayaa qorshahaas wada, waxaanse cabirayaa sida ay macquul u tahay inay is-fahmaan iyo in walaaca ay qabaan taageerayaasha madaxweynaha uu noqon karo mid loo qiil dayi karo.

Marka aan eego xaaladda siyaasadda ee hadda dalka ka taagan Axmed Madoobe iyo Kheyre waa labada nin ee sida ugu dhow u bahoobi kara, sabbatoo ah danahooda siyaasadeed iskama hor-imanayaan halisna iskuma ahan.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this