Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaflad Qaadhan Loogu Uruurinaayay Iskuulka Maxamuud Axmed CALI Oo London Lagu Qabtay.+SAWIRROc

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)Waxa xalay ka qabsoontay galbeedka London xaflad balaadhan oo qaadhaan urrin ah iskuulka Maxamuud Axmed Cali Hargaysa S/Land.Xaflada waxa daadihinay Suldaan Mubarik Cumar Ibrahin .xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen ardaydii iskuulka dhigan jirtay wakhtii dagaalda ka hor (1988) ardaydaas oo isku xilsaartay dib u dhiska Iskuulkaas oo dayac badani ka muuqday horana wax badan uga qabtay qalab badan geeyay .Xafladaas oo ay isugu yimaadeen dhamaan bulshada kala duwan ee ku dhaqan UK ee reer Soomaliland oo aan si kala hadh lahayn madasha u soo buux dhaafiyay .xaflada waxa furay Guddomiye Xuseen Askar oo ka warbixiyay waxqabadki gudigiisa & halka wax u marayaan si baaldhana ugu mahad celiyay dadkii madasha soo ajiibay dadakana ka codsaday in ay kaalin laxaadleh ka qaatan dib u dhiska iskuulka Maxauud Axmed Cali Hargaysa Somaliland. Intaa ka dib waxa hadalka lagu wareejiya Safiirka Somaliland u fadhida Wadankan UK Marwo Ayaan Cashuur warbixin koobana ka jeedisay madasha kana hadashay qiimaha ay waxbarshadu leedahay kuna bogaadisay gudigan is xilqaantay ee wax qabadka muujiyay qof kasta oo madasha fadhiyana ka codsatay in uu ka qayb qaato qaadhanka iskuulka wax loogu qabanayo gaar ahaan Xisbiyada Qaranka oo goobta joogay waxaany halkii kaga dhwaaqday $1000 .

C3C6D34A-2988-4383-96F2-AADF74B46D3A-576 67E5C986-7F03-4244-8AD1-395C106E6E25.jpe 93AA400E-BFA3-4F95-B947-88A8B201C825-102 8F436771-6218-4099-97BA-3B453A576B72-102

waxa isna hadalkii qaatay Ambasidor Diinaari oo ka yimi waddanka Denmark oo ka mid ah madaxda Xisbiga Waddani mahadcelin balaadhan ka dib waxaan ku faraxsanahy in aan idinkala soo qayb galo xafladan quruxda badan oo sida bilan loo soo agaasimay hadaanu Xisbiga Waddani nahayna waxaanu qaadhaanka kaga qayb qaadanayna $1000 isla goobtiina lacagti wuu ku wareejiyay.Gudoomiye ku xigeenka 2aad UK, goobta mahadcelin ka dib goobta kaga dhawaaqay $1000,sidoo kale Xasan Macalin oo matalayay Xisbiga Ucid ayaa goobta ka jeediyay taariikhdii Maxamuud Cali waxaanu qaadhanka ku dhawaqay $1000 ,Xildhibaan Kaltuun baanday oo ka soo baqooshay Sheffield oo goobta hadal kooban ka jeedisay taariikhdi Aabihii waxbarashada Soomaaliland/Soomaaliya Maxamuud Axmed kuna tlmaantay wax laga xumaado in maanta qaadhaan loo ururinayo iskuul huwan magaci Aabihii waxbarashada Dadkana ku boorisasy in si mug & miisaanleh looga qayb qaato qaad

749081F6-F82D-4A19-A767-E411929D9266-102 96F0B665-2B4C-42DD-97A7-F9A739C17B08-576 2DCA9A6A-EC3E-4F68-8FF0-FAA6D6F82F06-576 2F7292C7-2442-4492-87EF-5941324F2529-102 004DEEC8-1B55-4300-BE5F-AFFA401AE1A5-102

hanka iskuulan loo ururinayo.Bahda Isboortiga Mohamed Badhsab & Basalo oo hadal kooban goobta ka jeediyay waxay ku yabooheen £2000 .Gudoomiya jaaliyada SSUK oo goobta ka hadlay aadna ugu farxsanaa waxqabadka jaaliyada uk wax qabdkooda wuxu goobta ka cadeeyay in ay £1500 bixin doinaan hadii ilaahay.Gudoomiyihii Jaaliyada Bariga London oo xaflada bogaadiyay ayaan isna goobta ka sheegay in bixinyaayaan $2500 hadi ilaaha yidhhahdo .intaa ka dib dadkii xaflada ka soo qayb galay ayaa iyaguna si aan hagrasho lahayn gacanta u boobay iyagoo isku qoray lacagayow kala duwan $500,300,200,100 .Gabagabdii waxa xaflada lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf fanaantii qaranka & xubno kale oo muhiim kaalin xoogan ka gaystay taburaca iskuula. Waxa kale oo madasha ka hadlay Ambasodar C/risaq Afqaraf, Xusen Asad, Deeqa,Asma,sahra,Mushtaaq. Xafladiina waxay ku dhamaatay Guul.

Soomaalind allow dhawr!.

Sent from Yahoo Mail on Android

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this