Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland iyo Imaaraatka oo kala saxiixday heshiis shan qodob ka kooban

Recommended Posts

Deeq A.   

Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa magaalada Dubai ee dalka isku taga Imaaraatka Carabta kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Imaaraatka, iyaga oo ka wada hadlay arimo dhowr ah.

Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Dubai kula kulmay amiirka Imaaraadka Carabta, iyaga oo ka wada hadlay arimo dhowr ah, oo ugu dambeyn la yeeshay inay heshiis ka wada gaareen qodobada qaar.

Kulanka kadib waxaa labada masuul ay kala saxiixdeen Heshiis dhowr ka koobnaa, kaasi oo lagu balamay in labada dhinac ay ka dhabeeyaan dhaqan gelinta qodobada lagu heshiiyay oo kala ahaa :-

1- Xoojinta xiriirkaka Soomaaliland iyo Imaaraadka.
2- Dardargelinta mashaariicda
3- Horumarinta kaabayaasha dhaqaale
4- Furitaanka Suuqa Xoolaha iyo kalluunka
5- Jaaliyadda Somaliland ee imaaraadka in si mug leh looga qaybgeliyo shaqooyinka iyo helitaanka sharci.

Wakiilka Somaliland ee Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in kulankaasi kadib, sidoo kale lagu balamay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqan geliyo dhamaan qodobada lagu heshiiyay.

Maamulka Somailand ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa dhawaan dhaliilsanaa heshiiskii Imaaraatka kula wareegay dekada Berbera waxaana taasi ay dhalisay in la bilaabo qodobada qaar ee lagu heshiiyay, iyadoo isagana looga yeeray Imaaraatka.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this