Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad: FARMAAJO wuxuu caawa marti u yahay madaxweyne laba mar u gefay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo uu caawa marti ugu yahay madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni.

Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay facebook, hoos ka aqriso.

Madaxweyne Farmaajo oo caawa marti u ah Madaxweyne labo jeer u gafay dalka iyo dadka Soomaaliyeed!

Warbaahinta dalka Uganda, gaar ahaan Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay maalmihii lasoo dhaafay askari u dhashay dalkaasi oo dharbaaxaya haweenay da’ah oo Ugandees ah, isagoo ka hadlaya arinkaas ayuuna yiri Madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni:

“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qayliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbali karin, waana gaf weyn oo bulshadda ceeb ku ah, askarta aan laheyn asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmi karin, waxaan u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay. Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal ku galka (fiisaha) Soomaaliya, maxaa yeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay gardarada” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Waa markii labaad oo Madaxweynaha Uganda usoo qaato Soomaaliya tusaaleyn xun, iyadoo la wada xusuusto bil ka hor in uu ku tilmaamay Soomaaliya dal aan laheyn dowlad!

Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Farmaajo, in Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu raali gelin buuxda ka bixiyo hadalada gafka iyo tusaalaha xun ah ee uu ku tilmaamay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab.

54523011_1294975757323290_80496785285112

Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this