Deeq A. Posted March 11, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa galabta u ambabaxay dalka Uganda. Farmaajo ayaa waxaa socdaalka ku wehliya masuuliyiin ka tirsan madaxtooyadda iyo xukuumada federaalka ah. Ujeedka safarka madaxwaynaha ayaa lagu sheegay in uu Uganda uga qeybgalayo “Shirka Afrikada Hadda” kaasoo berri furmaya. Shirkaas oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa la rajeynayaa in looga hadlo arrimo badan oo qaaradda quseeya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites