Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo sharxay ujeedka safarka Kheyre ee magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu maanta gaaray magaalada Kismaayo, ayey hadana dad badan is weydiinayaan ujeedka uu masuulkaan ka mid ah kuwa ugu sarreeya ku tagay dowlad goboleedka Jubbaland.

Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ah Madxweynaha dowlad goboleedka martida loo yahay ayaa shaaca ka qaaday sababta rasmiga ah ee ka dambeysa booqashada Kheyre iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Booqashadaan waxey kusoo aadeysaa xilli la saluugsanaa xiriirka ay madaxda Jubbaland la leeyahiin dowladda Federaalka, hadana Axmed Madoobe wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin imaatinka mas’uuliyiintii timid.

Madaxweynaha wuxuu shaaca ka qaaday iney wadahadalo dhici doonaan isla markaana uu maamulkiisa la yeelan doono masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda ee booqashada ku jooga magaalada Kismaayo.

Xubnaha booqday Kismaayo iyo maamulka Jubbaland ayaa dadweynaha kula hadlay bartamaha magaalada Kismaayo, wuxuuna madaxweynaha Jubbaland sheegay iney tahay guul weyn oo muujineysa nabadgalyada iyo dowladnimada iney dad sidaas u badan isugu soo baxaan soo dhaweynta madaxdooda isla markaana si dhaga nuglaan ah ku dhageystaan.

Si kastaba safarka Ra’iisul Was aare Kheyre wuxuu sifo wanaagsan u yahay xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka la saluugsanaa ee Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this