Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Saxeexay Buugga Tacsida Ee La Dhigay Safaarada Itoobiya Ee Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tacsi ugu tegay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu madaxweyne ku xigeenku saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi.

53435150_2070112316435944_72051031327899

Waxaana ku simaha madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey tacsida agaasimeyaasha guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Cali bile iyo Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this