Deeq A. Posted March 11, 2019 Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ee G/Hiiraan ayaa maanta xukun xabsi ah ku riday nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Aadan ayey maxkamaddu ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah. Sidoo kale maxkamadda ayaa sii deysay eedeysane kale oo lagu magacaabo Liibaan Muxumad Cabdi Gurey,Kaas oo ay maxkamadu cadeysay in lagu waayay Dambigii lagu soo eedeeyay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda CQS qeybta 27-aad Dhame Maxamed Cabdulle Aadan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-maxkamada-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites