Deeq A. Posted March 11, 2019 Balcad (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saacadihii la soo ka dhacay agagaarka degmada Balacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Shilkan ayaa yimid, kadib markii gaari Xamuul ah oo siday Dhuxul uu ku rogmaday halka loo yaqaano luuqa Caliyaale oo hoostaga degmadaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku dhintay illaa labo qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Illaaa iyo hadda ma jiro warar faah faahan oo uu maamulka degmada Balcad ka bixiyay dhacdadaasi. Inta badan shilalka gaari ee ka dhaca waddada Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa loo sababeeyaa burburka waddadaasi oo muddo aan helin wax dayactir ah, inkastoo dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu dhagax dhigay dhismaha jidkani oo muhiim u ah isku socodka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites