Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay magacyada iyo beelaha raggii fuliyey weerarka Maka Al-Mukarama (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa shaaciyay wareysi laga qaaday Raggii weeraray Hotelka Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.Al-shabaab ayaa mid mid u sharraxay Magaca saddexan, da’diisa ,Qabiilkiisa iyo degaanka uu ku dhashay,waxaana ka mid ahaa;

1-Siidoow Shariif Cabdulle, 30 jir,waxa uu ahaa qofka waday Gaariga 1aad ee Qaraxa sameeyay, waxaa uu ka dagaallami jiray gudaha Kenya kaddibna waxaa uu ku biiray qolada is qarxisa ee AL-shabab, waxaa uu ka dhashay Beesha Dabarre,waxaana uu ku dhashay Muddul Baraawe.

2-Cabdullahi Mukhtaar Mucallim, hoggaamiyaha kooxdii Hotelka weerartay,  24 jir ka dhashay Beesha Hadame,waxaa uu ku dhashay degaanka Rabdhuurre.

3-Aadan Macallin Caddoow. 30 jir, waxaa uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee dagaalka ku dhinta waxaana Al-shabaab ay sheegeen in markii la dili waayay lagu dumiyay Gurigii uu ku jiray, lama sheegin beeshiisa iyo meesha uu ku dhashay.

4-Nuur Maxamuud Cismaan, 18 jir,waxaa uu ka dhashay Beesha Eelaay,waxaa uu ka soo dagaallamay Mudug,waxaana kaddib uu ku biiray qolada is qarxisa ee Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this