Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO oo ugu baaqay taliyayaasha ciidamada in ay is casilaan iyo sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa canaan xoog leh usoo jeediyey Taliyaasha Ciidamada Gobolka Banaadir kadib weerarkii xooggaanaa ee lagu qaaday Hotel Makka Al-Mukarama oo ku yaal wadamada ay sida weyn u isticmaasho Dowladda Federaalka Soomaaiya.

Madaxweynaha yaa ku canaantay amni darida Guddoomiyaasha degmooyinka, taliyaasha saldhigyada gobolka Banaadir, taliyaha qaybta G/Banaadir, Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo afarta taliye ciidan ee Soomaaliya kadib kulan ka dhacay xalay madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankan oo qaatay muddo saacado ah ayaa loogaga hadlay ammaanka magaalada Muqdisho iyo sababaha keena in ciidamada ammaanka ay ka hortagi waayaan qaraxyada iyo dilalka ka dhaca caasimada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in kulankan uu canaan xoog leh u soo jeediyay taliyaasha degmooyinka, Guddoomiyaasha, iyo mas’uuliyiinta kale ee amniga waxana uu ugu baaqay inay is casilaan haddii aysan ammaanka waxba ka qaban karin.

“Fadlan dadkii iyo hantidooda waa isku dhamaadeen, maxaa idinka qaldan, Haddii aadan waxba ka qaban karin amniga fadlan ka hor wareega shacabka”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo wajigiisa ay ka muuqatay carro xoog leh.

“Uma dulqaadan karo waxa socda, macquul maahan, hadii ay caqabad jirto maxaa idinka hortaagan inaa soo gudbisaan”, ayuu sii raaciyay Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan uu la qaatay Madaxweynaha taliyaasha ciidamada ayaa ahaa mid ka duwan kulamadii hore waxaana kulanka laga dareemayay in Madaxweynaha uu aad uga xun yahay hab dhaqanka ciidamada oo sugi la’ amaanka caasimada dalka.

Ururka Al-Shabaab ayaa sii laba jibaaray weerarada ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, waxayna taas sababtay inay madaxda Dowladda la kulmaan dhalaceyn xooggan oo kaga imaaneyso Shacabka iyo Hoggaamiyaasha Mucaaradka.

Weerarkii Hotelka Makka Al-Mukarama ayaa noqday midkii waqtiga ugu badan Ciidamada Dowladda ay ku qaadatay inay kooxdii weerarka soo qaadaan ay soo af jaraan, wuxuuna howlgalkaas socday ku dhawaad 24 saac oo xiriir ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this