Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo mar kale maanta u baxay safar dibadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa mar kale Maantga u baxay Safar dibadeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u dhoofay dalka Uganda oo ah dal ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha ayaa imaaday kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Muvesani sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay labada Mas’uul ayaa ka wada hadli doono Amaanka, Dhaqaalaha iyo Horumarka labada dal .

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga wada hadli doono Ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab  sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo xilli Madaxweynaha Uganda uu ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala soo bixi doono dhammaan inta uu qeyb kamid ah kala soo bixi lahaa.

Uganda ayaa Soomaliya waxaa ka jooga ciidamo fara badan, kuwaasi oo ku howgalla Magaca AMISOM,  iyagoo dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawiya dhanka amniga iyo dagaalka ay kula jirto dagaalamyaasha Al-Shabaab.

Ciidamada Uganda ayaa fursad fiican u aragto ciidamada ka joogo Soomaaliya, maadaama ay ciidamadooda ka helaan mushaar aad u badan marka loo fiiriyo mushaarka ay qaataan ciidamadooda ka howlgalo Uganda.

Wixii kusoo kordha safarka Madaxweynaha kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this