Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Soomaali Ah Oo Walaalkeed Ku Dishay Dalka Kuwait Iyo Maxkamad Xukun Ku Riday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kuwait)-Wargeyska maalinlaha ee Al-anbaa ee ka soo baxa caasimadda dalkaasi ee Kuwait City ayaa qoray in Haweeney Soomaali ah la soo taagay Maxkamadda Dembiyadda ee dalkaasi.

MAXKAMADDA-KUWAYT.jpg

Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay inay walaalkeeda mindi ku dishay bishii September 18-dii ee sannadkii hore.

Maxkamaddu waxay ku xukuntay Haweeneydaas xabsi 4 sanno iyo shaqo adag, kadib markii ay ku caddaatay inay tooreey la dhacday walaalkeeda ilaa uu ka naf baxo.

Dhinaca kale, ilo dhanka Ammaanka ayaa u sheegay Wargeyska Al-anbaa in dhegeysiga dacwadaasi timid, kadib markii Xafiiska Dacwad-oogaha dalkaasi u soo gudbiyey Maxkamadda Gal-dacwadeedka dilkaasi,

Haweeneyda dilka geysatay ayaa sheegtay inaysan doonaynin inay walaalkeeda disho, balse uu xanaaqu ka tan badiyey.

Wargeyska Alanbaa wax faahfaahin ah kama bixinin waxa ay isku qoonsadeen Haweeneydaasi iyo Walaalkeeda ay gacanteeda ku dishay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this