Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada & Magacyada Soomaalida ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee Burburtay oo la shaaciyey+Jinsiyadaha & Baasaboorada Dalalkay wateen+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada iyo magacyada Soomaalida ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee Burburtay oo la shaaciyey+Jinsiyadaha Dalalkay wateen

et1.jpget2.jpget3.jpget4.jpget5.jpg

 Waxaa sii kordhaya tiradda dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Shilkii diyaaradda  Ethiopian Airlines ee maanta ka dhacay dalka Itoobiya.

Qaar ka mid ah Eheladda dadkii Soomaalida ahaa ee diyaaradda Saarnaa ayaa xaqiijiyay Geeridda shan qof oo Soomaali ah, kuwaasoo heystay Baasabooradda dalalka Canada iyo Mareykanka.

Cabdishakuur Maxamed Shahaad, oo labadii sano ee lasoo dhaafaya ka tirsanaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku jiray dadka naftooda Ku waayay shilka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo fariin soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

Shahaad oo kamid ahaa kooxda hab-maamuska xafiiska Khayre ayaa kusoo jeeday magaaladda Muqdisho, isaga oo [transit] kusoo ahaa Addis Ababa.

Dhinaca kale, Aamina Ibraahim Odowaa iyo iyo gabar ay dhashay oo lix sano jir ahayd taasoo lagu magacaabayey Safiya Faysal Cumar ayaa qayb ka ahaa dadkii ku baxay shilka diyaaradeed.

Labada marxuum ayaa haystay dhalashada Canada, balse waxay asal ahaan kasoo jeedeen Soomaaliya.

Maxamed Xasan Cali, wiil la dhashay marxuumad Aamina, ayaa u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da in walashiisa ay Sabtidii kasoo duushay Canada ayna kusoo wajahneyd Nairobi.

shahaad.jpg

Cabdishakuur ShahaadCabdishakuur ayaa ka imaaday Sweden, wuxuuna Transit ku ahaa dalka Itoobiya oo uu doonayey inuu kaga sii gudbo Magaalada Nairobi oo ay ku wajahneyd diyaaradda Burburtay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Wadamada dadkii Dhintay

liis.jpg

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this