Deeq A. Posted March 11, 2019 Baardheere (SMN) – Taliska milatariga Soomaaliya ee Gedo ayaa ka warbixiyay shaqaaqo lagu dilay dad shacab ah oo ka dhacday degmada Baardheere ee gobolkaasi. Korneyl Cali Maxamed oo ka mid ah saraakiisha milatariga DFS ayaa Shabelle u sheegay in kooxo hubeysan ay rasaaseeyeen dadkaasi oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi. Waxaana uu tilmaamay in falkaasi uu ku dhintay hal Qof , kuna dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray sarkaalkani in ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Arrintan ayuu xusay in ay salka ku heyso xiisad la xariirta dhinaca maamulka oo weli ka taagan degmada Baardheere oo ku taalla koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-cabdiqani-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites