Deeq A. Posted March 11, 2019 Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku soo dhigay Nin xirnaa Xijaab iyo Indho-Shareer. Ninkan ayaa la sheegay in laga soo qabtay xaafadda Iskuul Goday, kadib markii ay ka shakiyeen ciidanka amniga ee degmadaasi. Taliska Booliska Kaaraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in wax hub ah uusan wadan ninkaasi, balse ay weli ku hayaan baaritaano dheeraad ah. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay laamaha amnigu soo qabtaan nin xiran dharka Haweenka, iyadoona marar badan rag xirnaa lagu soo bandhigay M/Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites