Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray dawladda Federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa dawladda Federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi oo uu ka tacsiyadaynaayo shilka diyaaradeed ee maanta ka dhacay dalkaasi oo ay ku burburtay diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada xilli ay u kala socdaalaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi saarnaayeena 149 rakaab ahi iyo sideed ka mida shaqaalihii diyaaradaasi, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta sharkadda Ethiopian Airlines.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this