Deeq A. Posted March 10, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdishakuur Shadaad. Marxuumka oo kamid ahaa howlwadeenada xafiiska Khayre ayaa ku dhintay shilkii diyaaradeed ee ka dhacday Itoobiya. Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo dhammaan bahda xafiiskiisa waxay tacsi u dirayaan eheladii uu ka baxay marxuum Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo kamid ahaa howlwadeennada xafiiska RW. Marxuumku waxa uu kamid ahaa dadkii ku geeriyooday diyaaradda @flyethiopian ee maanta dhacday — SomaliPM (@SomaliPM) March 10, 2019 Inta la xaqiijiyay 157 ruux oo gabigooda ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ku dhintay shilka oo dhacay saaka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites