Deeq A. Posted March 10, 2019 Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, ahana Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta oo Axada daah-furay shir looga hadlay abaaraha ka jira degaannada Puntland. Shirkan waxa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayey guddiga abaaraha oo ka kooban wasiirada wasaaradaha, Deegaanka, Beeraha iyo Is badalka Cimilada, Arimaha Gudadaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Tamarta Biyaha iyo Macdanta iyo Hay’adda HADMA, waxaa sidoo kale goob joog ahaa shirka mas’uuliyiin ka socday hay’addaha caalamiga ah. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shirka ka sheegay in degaannada Puntland ay ka jirto abaar baahsan oo soo laa-laabatay waxaana ki dhawaaqay qeyla-dhaantii ugi dheereyd in hadda loo isu taago sidii dhulka abaartu ka jirto wax loogu qaban lahaa. “Waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in abaar ay ka jirto Puntland, qaylo dhaantii ugu dheerayd baan maanta dirayaa, hay’addaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, ganacsatada, cidkasta oo ka qayb qaadan karta, ilaahay waan baryaynaa, waxaan rajayn in shaqadu sidii hore ka duwanaato iyo dedaalku” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland. Ugu dambayntii madaxweyne Ku-xigeenka Puntland wuxuu sheegay in dowladda Puntland doorkeeda ka qaadanayso, loona baahan yahay inaan loo kala harin gurmad la gaarsiiyo shacabka Puntland ee abaaruhu saameeyeen. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku dhawaaqday qayla-dhaan abaareed appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites