Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Kheyre oo shaaca ka qaaday qoraal cajiib ah oo uu Xoosh usoo diray inta uusan dhiman

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galayay aaska alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa ka sheekeeyay hadaladii ugu dambeeyay ee dhex maray isaga iyo Xoosh.

Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in Wasiirka qoraalkii u dambeeyay ee uu usoo diray uu ahaa khudbad uu jeediyay madaxweyne Mareykanka ah oo uusan magaciisa sheegin, kaasi oo ka hadlayay ruux kastaa in wadankiisa uu wax weyn ku yahay.

Wuxuu sheegay Kheyre in Khudbadda uu la wadaagay Wasiir Xoosh inay ka hadlaysay ruuxa taga dalalka caalamka in ugu dambeyn uu qiimo ku yeelanayo dalka uu asal ahaan kasoo jeedo.

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego, qoraalkii ugu dambeeyay ee C/raxmaan Xoosh iisoo diro wuxuu ahaa khudbad uu jeediyay madaxweyne Mareykanka ahaa oo dhahayay, Haddii aad Faransiis ku nooshahay Faransiis noqon meysid”

“Haddii Talyaani aad ku nooshahay Talyaani noqon meysid, Marka ugu dambeeya wadankaada ayaa ahaana wadanka lagaa rabo inaad wadan ka dhigato, wuxuuna ii sheegay in loo baahan fursadda aan heysan inaan kusoo celino sharaftii iyo karaamadii Soomaaliya”

“Hadalkii iigu dambeeyay ee uu igu yiri waxay aheyd aan ka shaqeyno mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee soo koreyso si aan ugu sameyno dal ay ku noolaadaan, waa inaan ka gudubnaa Qabyaaladda iyo dhibaatada jirta”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Wasiir C/raxmaan Xoosh ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this