Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoggo Iyo Wararkii U Dambeeyay Ee Diyaarada Itoobiya Airlines Ee Burburtay+Abiy Axmed Oo Ka Hadlay+Liiska Dalalka Ay Ka Soo Jeedaan Rakaabkii Ku Dhintay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in aysan jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saakay halkaas ka dhacay.

ethiopianair.jpg

Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kusii wajahan, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax aad u weyn, meeshana uu ka dhashay holac la damin la’yahay.

Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur.

Diyaarada ayaa waxaa ku dhintay dad gaadhaya 157 ruux, oo 8 kamid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda.

War ka soo baxay shirkadda Eithiopian Airlines ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin qof ka badbaadey shilka diyaaradeed, islamarkaana ay dhinteen dhamaan dadki saarnaa oo kasoo kala jeeda 33 dal.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa ku dhacday meel u dhaw magaalada Bishoftu oo 60-KM u jira magaaladda Addis Ababa saacaddu markii ay ahayd 8:44 daqiiqo waqtiga Geeska Africa .

Diyaaradda ayaa kasoo duushay Garoonka diyaaradaha Bole International Airport 8:38 subaxnimo, iyadoo lumisay xidhiidhka Isgaadhsiinta kahor inta aysan burburin 6 daqiiqadood kadib markii ay hawada gashay.

Ra’iisul Wasaaraha Eithiopia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay shilka diyaaradeed, iyagoo tacsi u diray eheladda ay dadkooda ku dhintay musiibadda.

Illaa hadda lama shaacin sababta ka dambeysa burburka diyaaradda, balse Shirkadda Eithiopian Airlines ayaa sheegtay inuu socdo baadhitaan, islamarkaana ay u dirtay goobta Koox khubarro ah.

Halkan hoose riix Abiy Axmed oo………….

Office of the Prime Minister – Ethiopia‏Verified account @PMEthiopia

FollowFollow @PMEthiopia
More
The Office of the PM, on behalf of the Government and people of Ethiopia, would like to express it’s deepest condolences to the families of those that have lost their loved ones on Ethiopian Airlines Boeing 737 on regular scheduled flight to Nairobi, Kenya this morning

.Liiska Jinsiyadaha Dalalkay ka soo jeedaan dadka ku dhintay.

Liiska ay daabacday sharikadda diyaaradaha ee Ethiopian airlines ayaa ahaa sida hoos ku qoran.

32 Kenyan

18 Reer Canada

9 Itoobiyaan

8 Shiinees

8 Talyaani

8 Ameerikaan

7 Faransiis

7 Ingiriis

6 Masaari

5 Jarmal ah

1 baasaboor Qaramada Midoobay watay

4 Hindi

4 Slovakia

3 Australia

3 Ruush

3 Sweden

2 Spain

2 Poland

1 Indonesia

1 Ireland

1 Rwanda

1 Sucuudiga

1 Soomaali

1 Serbia

1 Nepal

1 Nigeria

2 Morokaan

2 Israaiiliyiin

1 Biljim

1 Ugandhiis

1 Yemeni

1 Sudaniis

1 Togo

1 Muzambiik

1 Norway

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this