Deeq A. Posted March 10, 2019 Kampala (SMN) – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa ku sugan uu la bixi doono, haddii Qaramada Midoobay ay ku adkeysato dhimista ciidamada AMISOM. Mr Museveni ayaa xusay in Soomaaliya ay ka joogaan 6,400 oo askari, waxaana hore golaha ammaanka ee QM uu ku wargeliyay in dhamaan ciidamadaasi uu la baxayo. Madaxweynaha Uganda ayaa hadalkaasi dhawaan ka jeediyey shir ay isagu yimaadeen wasiiro ka socday dalalka harooyooyinka waaweyn oo ka dhacay magaalada Kambala “Al Shabaab waxaa weli ay halis weyn ku yihiin ammaanka Soomaaliya,waxaana gacanta ku hayaan deegaano badan”sidaasi waxaa yiri Yuweri Museveni madaxweynaha Uganda. Museveni ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee dalalka ciidamada ay joogaan Soomaaliya uu ku goodiya in ciidamadiisa qeybta ka howlgalka AMISOM uu kala baxaya gudaha Soomaaliya. Horay ayaa waxaa hadalkan oo kale ku hanjabay madaxweynaha dalka Burundi Bayer Nkurunziza oo sheegay in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya, kadib markii lagu amray in uu Soomaaliya ka saaro 1,000 askari oo ka tirsan ciidamadiisa. Golaha ammaanka ee QM ayaa sannadkii 2017 soo saaray qaraar gabi ahaanba Soomaaliya looga saarayo ciidamada AMISOM sannadka 2020, xilligaasoo ammaanka dalka ay la wareegayaan ciidamada Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites