Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi heer caalami ah oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wafdi isku dhaf ah oo ka socday Qaramada Midoobay Midoobay iyo Midowga Africa ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho,si ay u hubiyaan qaabka uu u socdo qorshaha kala guurka AMISOM ee Soomaaliya oo hadafka laga leeyahay uu yahay in ammaanka dalka guud ahaan ay la wareegaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Wafdiga soo gaaray Muqdisho ayaa qiimeyn doona tallaabooyinka ay qaadeen AMISOM ee ku aadan qorshaha kala guurka,sida lagu cadeeyay qaraar sanadkii la soo dhaafay uu soo saaray golaha ammaanka ee QM iyo golaha nabadda iyo amdaanka ee Ururka Midowga Africa.

General Francis Okello oo hoggaaminayay socdaalka wafdiga ayaa sheegay in xubanaha ka socday labada gole ee QM iyo Midowga Africa u jeedadooda ay tahay in dib u eegis ku sameeyaan, sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku hirgali karo qorshaha kala guurka AMISOM iyo sida ciidamada dowladda ay ugu diyaar garoobeen hanashada ammaanka dalka.

Wafdigan ayaa booqashadooda Soomaaliya waxay qaadan doontaa muddo todobaad ah,waxayna inta ay joogaan ay la kulmi doonaan hoggaanka AMISOM ee oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay kamid tahay caqabadaha uu xilligan wajahayo howgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

QM ayaa bishii December ee sanadkii tagay soo saartay qaraar qeexaya in sanad weliba kun askari laga dhimo howgalka AMISOM, iyadoona bishii la soo dhaafay 1000 askari oo u dhashay Burundi oo qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM ay dib ugu laabteen dalkooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this