Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin:-Arday lagu dhex dilay iskuul ku yaalla Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya arday barqanimadii maanta lagu dhex  dilay iskuul ku yaalla xaafadda Kooshin magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu soo koobay Cumar ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay Arday kale oo ay wada dhiganayeen iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Mujamac Baladweyne.

Dilkan oo loo adeegsaday Toorey ayaa ka dhacay gudaha Iskuulka, kadib markii ay wada murmeen labada Arday, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray Shuceyb Xasan oo ahaa Ardaygii falka dilka ah geystay, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka guud ee M/Baladweyne.

Illaa iyo hadda ma jiro warar faah faahsan oo uu maamulka Dugsiga iyo kan degmada Baladweyne ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Arrintan ayaa walaac iyo wal-wal xoogan ku reebtay waalidiinta, Ardayda, macalimiinta iyo maamulka Mujamac, maadaama fal dil ah uu ka dhacay Iskuulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this