Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ciidamo u dirtay koonfurta gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Cutubyo ka tirsan ciidamada militariga Somaliland oo ka soo baxay dhinaca degmada Ceerigaabo ayaa ku soo wajahan koonfurta gobolka Sanaag sida ay sheegeen dadka degaanka.

Taliska ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa ciidanka ku amray in ay tegaan degaanno ay kamid yihiin Yubbe Fiqi-fuliye iyo Jiidali oo dhammaantood ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag si looga hortago Gen Caarre oo hoggaamiya jabhadda la dagaallanta Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Gen Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ayaa maalmo ka hor socdaal ku tegay degmooyin ku yaalla koonfurta gobolka Sanaag isagoo dadka halkaasi ku nool ugu baaqay in ay ku garab siiyan dagaalka uu kula jiro maamulka Somaliland.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag oo saxaafadda la hadlay ayaa Puntland ku eedeeyay in ay soo hubanayso jabhadda Caarre ee saldhiga ku leh magaalada Qardho.

Somaliland waxay ku hanjabtay in ay Caarre kula dagaallami doonto gudaha Puntland haddii uusan ka joojin waxay ku tilmaameen “dagaal uu ka abaabulayo dhulka nabdoon ee gobolka Sanaag“.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo ciidamo u dirtay koonfurta gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this