Deeq A. Posted March 10, 2019 Shirkadda duullimaadyada Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in ay burburtay diyaarad ay leedahay Axaddii saaka kadib markii ay duushay Addis Ababa iyadoo socotay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa sidday 149 rakaab ah iyo 8 shaqaala waxaana ay ku burburtay nawaaxiga degmada Bishoftu oo qiyaastii 62 km koonfur bari ka xigta magaalada Addis Ababa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shirkadda Ethiopian Airlines. Diyaarada ayaa burburtay saaka markii saacadu ahayd 8: 38 AM, waxayna markaas hawada ku jirtay 6 daqiido oo kaliya. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka u tacsiyeeyay dadkii eheladoodu ku dhinteen shilkaasi. The Office of the PM, on behalf of the Government and people of Ethiopia, would like to express it’s deepest condolences to the families of those that have lost their loved ones on Ethiopian Airlines Boeing 737 on regular scheduled flight to Nairobi, Kenya this morning.— Office of the Prime Minister – Ethiopia (@PMEthiopia) March 10, 2019 PUNTLAND POST The post Diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo burburtay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites