Sign in to follow this  
Deeq A.

Arday Wada dhigata iskuul ku yaala Beledweyne oo Toorey isku dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in arday wada dhigta iskuul ku yaala magaalada ay isku dhex dileen iskuul ku yaala magaalada Beledweyne.

Ardayda ayaa la sheegay inay dhiganayeen iskuulka Mujamac ee magaalada Beledweyne, waxaana geriyooday mid kamid ah ardayda halka ruuxa kale la sheegay inuu dhaawac soo gaaray.

Ardayda ayaa isku adeegsaday Aalada Tooreyda, waxaana isbitaalka magaalada Beledweyne la dhigay ruuxa dhaawaca uu soo gaaray, sida maamulka iskuulka ay xaqiijiyeen.

Ilaa iyo hadda lama sababta keentay inay labadaan arday isku weeraraan Toorey iyagoona waxkabaran jiray Iskuulka lagu magacaabo Mujamac ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulka Iskuulka ayaa sheegay in labada arkay ay muddo badan murmayeen, waxaana loo malaynayaa inay horey xurguf u dhex taalay, taasi oo keentay inay Toorey isku adeegsadaan.
Waxaa socda baaritaanka dhacdadaan, waxaana ciidamada amaanka la sheegay inay gaareen iskuulka ay dhacdada ka dhacday, waxaana aad loo hadal hayaa dhacdada ka dhacday Iskuulka Mujamac.
Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this