Deeq A. Posted March 10, 2019 Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalena aad loo adkeeyey ammaanka magaalada. Waxaa xiran guud ahaan wadada dheer ee Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale guud ahaan waddooyinka yar-yar ee soo gala wadadaasi. Dadweynaha ayaa ah kuwo cagtooda maalaya, iyadoo dadka lugeynayana u badan yihiin shaqaale iyo sidoo kale ardayda Iskuullada iyo Jaamacadaha. Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa ah maadaama maanta la filayo in wasiirkii Datsuurka lagu aaso magaalada Muqdisho, ayna aaskaasi ka qeybgali doonaan madaxda ugu sarreysa ee DFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites