Deeq A. Posted March 10, 2019 Kismaayo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in Aaska wasiir Xoosh kadib maanta uu gaaro M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhoweynayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan si weyn uga socota gudaha magaaaladaasi. Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada ra’iisul wasaaraha iyo madaxwaynaha Jubbaland oo lagu muujinayo soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ayaa lagu dhejiyay qeybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kahyre ayaa la filayaa marka uu gaaro halkaasi in uu la kulamo madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida Al Shabaab looga saari karo gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. Ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyadoona saaka Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites