Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo ka wada gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceerigaabo  (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Sanaag ayaa ku warramayaa in saaka ciidanka S/land ay dhaq dhaqaaqyo milatari ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaman ayaa la sheegay in ay ka hortagayaan jabhad oo uu hoggaamiyo Korneyl Caare oo horay uga tirsanaa maamulkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this