Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilalka Loo Adeegsado Mindiyaha Oo Ku Soo Badanaya Magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ayub Xasan oo 17 jir asalkiisu yahay Soomaali ayaa noqday qofkii 26-aad ee dilkiisa loo adeegsado mindi caasimada kala Ingiriiska ee London.

dialkalondo-2.jpg dialkalondo-3-281x420.jpg

Dilka Ayub ayaa la sheegay in loo soo qabqabtay dhalinyarro lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen iyadoo lagu wado in la soo taago maxkamad.

Ayub Xasan ayaa hore ugaga badbaaday dilal ay dhalinyarada ku nool xaafada qoyskoodu ka degen yahay London ay isku dayeen in ay dilaan.

Siraad Aden oo ah hooyada Ayuub ayaa suuxday markii ay maqashay in wiilkeeda la diley, Hase yeeshee markii ay soo naaxday ayay Siraad sheegtay in ay aad u jecleyd wiilkeeda uuna doonayay marka uu waxbarashada dhameeyo inuu noqdo qareen.

Tirada dadka dilkooda loo adeegsanayo mindiyaha ayaa ku soo badanaya magaalada London iyadoo toddobaakan kaliya toddobo ruux lagu diley mindi, halka tirada guud ee sanadkan oo kaliya ay sii marayso 26 ruux.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this