Deeq A. Posted March 9, 2019 Kismaayo (SMN) – Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen deegaano ku teedsan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay saraakiishu sheegeen in ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amniga Kismaayo, maadaama la filayo in dhawaan uu booqdo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Xubno hor dhac u ah wafdiga ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan ku sugan magaaladaasi oo laga dareemayo diyaar garow xoogan. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamo dheeraad ah lagu arkayo halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites