Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay G/Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo saaka ka dhacay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari Deyno ah oo siday Qudaar, kaas oo la sheegay in uu ambaxabay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogaal ah.

Inta badan shilalka gaari ee ka dhaca Mudug iyo Galgaduud ayaa loo sababeeyaa burburka waddooyinka gobolladaasi oo aan in muddo ah helin wax dayactir ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this