Deeq A. Posted March 9, 2019 Cadaado (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo saaka ka dhacay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari Deyno ah oo siday Qudaar, kaas oo la sheegay in uu ambaxabay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogaal ah. Inta badan shilalka gaari ee ka dhaca Mudug iyo Galgaduud ayaa loo sababeeyaa burburka waddooyinka gobolladaasi oo aan in muddo ah helin wax dayactir ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites