Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro ka tirsan Puntland oo gaaray gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka duulista hawada iyo garoomadda maamulka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa maanta gaaray deegano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya

Socdaalka wasiirkan oo ku qotoma u kuurgalida xaaladaha ka jira halkaasi ayaa waxaa ku wehlinaya xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Xubnahan ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay boqolaal Qoys oo ka barakacay deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi, iyagoona ballan qaadyo u sameeyay dadkaasi.

Muddooyinkii dambe waxaa Sool ka jiray colaado wajiyo kala gadisan leh, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this