Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u ambabaxay dalka Isu Taga Imaaaraadka Carabta.

Safarkan oo ahaa mid deg-deg ah ayaa waxaa madaxweyne Muuse Biixi ku wehlinaya xubno ka mid ah maamulkiisa.

Waxaana la filayaa in Abu Dubai kulan gaar ah uu kula qaato madaxda shirkadda Dp World ee maamusha dekedda Berbera ee Somaliland.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu shirar gaar gaar ah uu la qaadan doono madaxda Imaaraadka, kuwaas oo looga hadlayo arrimo ku aadan saldhig ay dowladda dalkaasi dooneyso in ay ka dhisato magaalo xeebeedka Berbera.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay safarkan, waxaana uu tilmaamay in casuumaad rasmi ah ay ka heleen madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Somaliland ayaa horay heshiisyo kala duwan ula saxiixatay Imaaraadka oo la wareegay dekedda Berbera, isagoona haatan doonaya in uu saldhig weyn ka dhisto gudaha magaaladaasi oo ku taalla waqooiyga Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this