Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil Itoobiyaan ah oo Muqdisho kula shiraya madaxda warbaahinta iyo Itoobiya wadda qorshe cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay Caasimada Online ka heshay qaar kamid ah madaxda warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee magaalada Muqdisho ay iminka kulan la qadanayaan madaxda warbaahinta Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay kulanka ayaa ka dhashay dalab ka yimid Itoobiya.

Kulanka oo ay Itoobiya dalbatay in aan warbaahinta laga sheegin, aysan Itoobiya sheegin waxa uu ku saabsan yahay, balse dadkii la marti qaaday waxaa loo sheegay in ay ka soo qayb galaan shir safaaradda Itoobiya iyo madaxda warbaahinta Soomaaliya ku dhaxmaraya garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in qorshaha Itoobiya uu yahay in warbaahinta ay wax uga sheegto xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, isbadalka Geeska Afrika iyo dalab ah in la badalo sawirka ah in Soomaaliya iyo Itoobiya yihiin laba dal oo waligood colaad u dhaxeysay.

Waxaa sidoo kale qorshaha qeyb ka ah in buun buuniyo, islamarkaana si wanaagsan loo muujijo muhiimadda isbadal dhaqaale iyo isdhaxgal bulsho oo labada dal ay yeeshaan.

Kulanka oo bilaawday maanta 2-dii duhurnimo ayaa wali socda waxaana telefanda laga reebay mas’uuliyiinta ka qayb galay shirkaas.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku aadan. Sidoo kale waxaan la ogeyn in wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay ka warhayso kulanka maanta dhaxmaraya warbaahinta magaalada Muqdisho iyo Saraakiil ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this